Golaha Wasiiradda oo Codka kalsoonida kala noqday Taliyihii Nabad Suggida

Golaha Wasiiradda oo Codka kalsoonida kala noqday Taliyihii Nabad Suggida

daajis.com:-C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah Taliyaha Hay'adda Nabad Suggida Qaranka ayaa waxaa maanta lagu sameeyay xil ka qaadis, iyadoo uu qayb ka yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Somaliya.

Shir maanta Golaha Wasiirada ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay Golaha Wasiirada ay codka kalsoonida ugu qaadeen Taliyaha Nabad Suggida, waxayna intoodu badan kala laabteen kalsoonida.
 
Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, ayaa ku dhawaaqay in kalsoonidii la kala laabtay Taliyaha Nabad Suggida, isla-markaana aanu sii shaqayn karin, haddii aanu heysan kalsoonidii Goluhu.
 
Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ay isku qabteen, in laba nin oo hal beel ka soo wada jeeda aynaan isku wada qabin karin xilalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliska Nabad Suggida ee Qaranka.
 
Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa horey u soo jeediyay in xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, haddii Sanbaloolshe uu noqday Taliyihii Nabad Suggida, inkastoo uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha.
 
Sidoo kale Ra'iisal Wasaaraha oo culeys kala kulmaayay beelaha laga tirada badan yahay, oo Xukuumadiisa ku eedeynaayay in haddii uu xilka ka qaaday Taliyihii hore ee Nabad Suggida Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ay ahayd in uu soo magacaabo nin kaloo beelahaasi ka soo jeedo, ayaa waxa uu dhinaca kale uu wadaa dadaalo uu ku qancinaayo beelahaasi.
 
Si kastaba ha-ahaatee Villa Somalia waxaa xilligaan ka soconaayo shirar gaar gaar ah, oo ka dhalatay xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe.
 
9-kii bishii July, ayay ahayd markii la soo magacaabay Sanbaloolshe, xilli 8-dii July weerar abaabulan lagu galay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia. 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada