IGAD oo Dowladda Soomaaliya ku Amaantay dedaalka ay wax uga qabaneyso Abaaraha

IGAD oo Dowladda Soomaaliya ku Amaantay dedaalka ay wax uga qabaneyso Abaaraha

daajis.com:-Urur goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dadaalka ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ee ka jira qeybo ka tirsan dalkeeda.

IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadisey go’aanka ay guddiga gaarka ah ugu xilsaartay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka ay saamaysay abaarta.
 
War Saxaafadeed soo saartay urur-goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaale gaaraya Nus-malyuun Doollar u qoondaysay wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, taasina ay muujinayso dadaalka ay ku badbaadinayso ummaddeeda.
 
Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay ka soo jawaabaan codsigii dowlada Soomaaliya ee ahaa in lagu taageero cunto, biyo, dawo iyo farsamo, si gargaar deg-deg ah loo gaarsiiyo deegaannada ay ka jirto abaarta, ka hor inta aysan xaaladdu ka bixin faraha.
 
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaqaale u qorshaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, si looga hortago in ay dhacaan dhibaatooyinkii ka dhashay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sannadku markuu ahaa 2011-kii.
 
Dowladda ayaa horay u sheegtay in deegaanno ka tirsan gobollada Gedo, Bakool, Galgaduud iyo Mudug ay ka jirto baahida abaareed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada