Kenya oo qabatay Ragg Wadanka Iiran U dhashay loogana shakisanyahay inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.

Kenya oo qabatay Ragg Wadanka Iiran U dhashay loogana shakisanyahay inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.

daajis.com:-Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay Boliska gacanta ku dhigeen Labo nin oo u dhalaray dalka Iiraan, kuwaasi oo iyagoo isticmaalayo Baasaboorka Yuhuudda oo la macmalay ka soo degay Garoonka Caalamiga ee diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Mwenda Njoka ayaa sheegay inay raggaasi haysteen Baasabooro muujinaya inay yihiin Muwaadiniin Yuhuuddi ah, waxaana uu xusay in looga shakisan yahay inay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan gudaha kale ama dalal kale.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa tilmaamay inay raggaasi oo lagu tuhunsan yahay Argagixiso u yimaadeen Kenya safarkoodii ugu dambeeyey ama ay Transit ahaan ugu gubdi lahaayeen meel kale.

Waxa uu intaasi ku daray in Kiiska raggaasi gacanta ku hayaan Boliska Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU)  iyo Saraakiil ka socota Boliska Caalamiga ee INTERPOL, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ujeeddada raggaasi u yimaadeen Kenya.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Kenya gacanta ku dhigaan rag ka soo jeeda dalka Iiraan.


Bishii May ee sannadkii hore, Labo nin oo Iiraaniyiin ah ayaa xabsi daa’in lagu xukumay, kadib, markii ay Maxkamad ku taalla Nairobiku heshay inay qorsheynayeen inay qaraxyo ka fuliyaan magaalladda Nairoi iyo Degmooyin kale.


Baarayaasha Boliska Kenya waxay xilligaasi sheegeen  inay raggaasi wateen 15 Kg oo waxyaabaha qarxa, mana kala cadda inay raggaas xiriir la lahaayeen Alshabaabka Somalia iyo inay xubno ka ahaayeen Shabakaddo kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada