Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:- oo ugu danbeyn oggolaaday xil-ka-qaadistii Agaasimihii Nabdsugida Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:- oo ugu danbeyn oggolaaday xil-ka-qaadistii Agaasimihii Nabdsugida Qaranka.

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu mabda’ ahaan oggol yahay Xil-ka-qaadista ay Golaha Wasiiradda ay dhowr isbuuc ka hor xilka uga qaadeen Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, C/llaahi Maxamed Cali "Sanbalooshe”.

Ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa HMN u xaqiijiyey inuu Madaxweynuhu nalka cagaaran u shiday Xil-ka-qaadistaas, kuna oggolaaday mabda’ ahaan go’aankii Golaha Wasiiradda ka qaateen Mas’uulkaasi.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid qaboojin kara xiisadda soo laba kaclaysay ee Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, oo iyagu isku khilaafsanaa Xil-ka-qaadista Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Ma cadda inay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka oo iskooda isku xilqaamay inay u kala dab-qaadaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha ay suurto-geliyeen inuu Madaxweynuhu oggolaado inuu ka noqdo mowqifkii uu kaga soo horjeeday Xil-ka-qaadista Sanbalooshe.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed oo haatan booqanaya dalka Norway ayaa Warbaahinta u sheegay inuusan jirin khilaaf buuran oo isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya oo la xiriirta Xil-ka-qaadistaasi.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha ka dhex jirto calawsanaan siyaasadeed iyo khilaaf-hoosaadyo aan la dabooli karin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada