Daacish:-Oo 49 Maxaabiis Turki ah sii daayay

Daacish:-Oo 49 Maxaabiis Turki ah sii daayay

daajis.com:-Maxaabiis gaareysa tiradooda 49 qof oo Turki ah oo ay Khilaafada Islaamiga ah ka afduubteen magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq ayaa dib ugu soo laabtay Turkiga.

Sidaas waxaa sheegay sheegay Rai'sal wasaaraha Turkiga Axmet Davutoglu.

La haysteyaashaasi waxaa ka mid ah Diblamaasiyiin iyo qoysaskoodii iyo waliba askar.

Waxaa dad kaasi laga qafaashay Qunsuliyadii Turkiga ee magaaladaasi Mosul bishii June, markaas oo Khilaafada Islaamiga ah ay guulo aad u badan gaarayeen.

Turkigu waxa uu diiday in uu si toos ah faragalin ugu yeesho ololaha millitari ee ka dhan ka ah ururkaasi, sababaha ay Turkigu uga gaabsanayeen waxaa ka mid ahaa walwalka ay ka qabeen lahayse yaashaasi.
Khilaafada Islaamiga ah waxa ay dhawaan dilen dad kale oo ay afduub u haysteen
Davutoglu waxa uu sheegay in dadkaasi dhamaantood ay caafimaad qabaan, isla markaasna la soo daayay galinkii hore ee Sabtida


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada