Correction:- wararkii ugu danbeeyay ayaa shegaya in Ali Madone uu dhawac yahay uusan dhiman.

Correction:- wararkii ugu danbeeyay ayaa shegaya in Ali Madone uu dhawac yahay uusan dhiman.

daajis.com:-Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay weerar dabley hubeysan saakay ku qaadeen gaari uu la socday Maareyihii Hey’adda Duulista iyo saadaasha Hawada ee Garoonka diyaradaha Aadan Cadde, iyadoo la sheegayo in dhaawac uu soo gaaray Maareeyaha oo markii hore lagu tirinayay inuu geeriyooday.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Maareeyaha iyo dad helo la ah ayaa u xaqiijiyay daajis.com in Maareeye Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) in la dhigay Isbitaalka Xalane ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM, halkaasoo dhaawiciisa lagula tacaalayo.

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, halkaasoo uu degenaa Maareeyuhu.

Eng. Cali Madoobe ayaa ka mid ahaa dadka aqoonta u lahaa howlaha duulista iyo saadaasha Hawada
Eng. Cali Madoobe ayaa ka mid ahaa dadka aqoonta u lahaa howlaha duulista iyo saadaasha Hawada

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay daajis.com in gaariga uu la socday maareeyaha uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xafiiskiisa ku yaal, waxaana gaari kale oo rag dabley saarnaayeen ay soo daba dhigteen, kadibna ay ku hor-gooyeen, waxaana ay ku fureen rasaas.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay darawalka gaariga iyo nin ilaalo u ahaa, halka Cali Madoobe dhaawac culus ka soo gaaray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dableydii hubeysneyd ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.


waxaan raali gilin ka bixineynaa warkii kan ka horeeyay ee ahaa in uu dhintey mudanaha, laakiin uusan dhiman uu dhaawac yahay..


Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada