Sargaal katirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay xili uu ka soo dagaya Garoonka Diyaaradaha..

Sargaal katirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay xili uu ka soo dagaya Garoonka Diyaaradaha..

daajis.com:-Warar ay baahiyeen qaar kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sargaal katirsanaan jiray Xarakada AL-Shabaab iyo xubno kale oo lasocday ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sargaalkan katirsanaa Al-Shabaab aya agaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud halkaas ay ka arimiyaan Xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca , waxaana soo baxaya warar sheegaya in halkaasi lagu xiray sargaalkan iyo xubno kale oo la socday.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga Maamulka Ahlusunna Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa Warbaahinta u sheegay in gacanta ku dhigeen Xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kana soo dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wali lama sheegin magaca Sargaalkan la sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab ee lagu xiray Degmada Guriceel, waxa uuna sheegay Cali Baashi Aadan Diiriye in xubnaha la xiray ay hada ku socdaan baaritaano ayna dib kasoo sheegi doonaan waxa ay yihiin.


Dowlada wali kama aysan hadlin warkan soo baxaya ee Sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu ka dhoofay Sargaal katirsanaan jiray Al-Shabaab , waxaana la tilmaamaa in mararka qaarkood Garoonka Aadan Cadde ay si dhuumashaal ah uga dhoofaan xubno katirsan Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada