Hordhac:- Maxaa Kala Heysta Caawa AC Milan v Juventus? Torres Oo Kulankiisii Ugu Horeysay Safanaya.

Hordhac:- Maxaa Kala Heysta Caawa AC Milan v Juventus? Torres Oo Kulankiisii Ugu Horeysay Safanaya.

daajis.com:-Kulanka: AC Milan v Juventus Garoonka: San Siro Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika.

Milan iyo Juventus ayaa kulan hogaanka horyaalka ah isagu imaanaya iyadoo koox walba ay dooneyso inay sii ilaashato rikoorkeeda guulaha boqolkiiba boqol ah ee ay ku bilowdeen Serie A xilli ciyaareedkaan.

Kooxda Filippo Inzaghi ayaa ah mid kubad weerar ah la soo baxday iyadoo Inzaghi uu goob joog u ahaa kooxdiisa oo shan gool ku soo dhalineysa meel ka baxsan garoonkooda.

Laakiin shaqadaas oo ay afka hore ka qabteen waxaa garab socday daafacooda oo goolal sii deynayay taasoo keentay in Inzaghi uu si kulul uga hadlo isbuucii hore.

Inzaghi ayaana galaya tijaabo adag iyagoo wajahayaha kooxda Bianconeri kuwaasoo aan weli wax gool ah laga dhalinin xilli ciyaareedkan.

Juventus waxa ay ku jirtaa sagaal guul oo isku xigta taasoo soo jiitameysay tan iyo guuldaradoodii ugu danbeysay ee ka soo gaartay Napoli bishii March ee horaantii sannadkan. Guul ciriiri ah oo ay ka gaareen Chievo ka dib, Juventus ayaa min 2-0 waxa ay kaga kala badisay Udinese iyo Malmo, waxaana taas ku mahadsan seddex gool uu dhaliyay Carlos Tevez.


MAXAA KA CUSUB?

Tababare Pippo Inzaghi ayaa ku soo daray Stephan El Shaarawy iyo Fernando Torres kooxda AC Milan ee caawa wajaheysa Juventus.

Rossoneri ayaa isbuucii hore waxaa dhaawac kaga maqnaa labada weeraryahan laakiin labadoodaba waxaa haatan lagu soo daray kulanka weyn ee caawa ka dhacaya San Siro ee ay la leeyihiin Bianconeri.

Inzaghi ayaase waxaa ka maqan Daniele Bonera oo ganaax ah iyo Diego Lopez, Riccardo Saponara iyo Riccardo Montolivo oo dhaawac ah.

Dhanka kale tababaraha Juventus Max Allegri ayaa kooxdiisa Juventus ku soo darsaday Arturo Vidal.

Xiddiga reer Chile ayaa seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Bianconeri ka dib markii uu ku soo dhaawacmay ciyaarihii caalamiga, laakiin waxa uu dhawaan tababar la qaadanayay kooxda inteeda kale iyadoo la filayo inuu caawa ciyaaro.

Si kastaba, waxaa Juventus ka maqan Andrea Barzagli iyo Andrea Pirlo oo labadoodaba dhaawacyo ka soo kabsanaya.

Xiddiga isha lagu heynayo: Fernando Torres (Milan) – Ciyaaryahankii hore ee Liverpool iyo Chelsea ayaa dib u bilaabay isbuucaan tababar isaga iyo El Shaarawy iyagoo ka soo kabsaday dhaawacyo ay qabeen. Xiddiga reer Spain ayaan weli u safanin Milan tan iyo markii uu heshiis amaah labo sanno ah ugu soo biiray, waxaana uu doonayaa inuu cadeeyo inuu weli yaqaano halka loo maro wadada goolka.

MA OGTAHAY? Milan ayaa badisay lixdii kulan ee isku xigtay ee Serie A ee ay ku ciyaareen San Siro laakiin Juventus ayaa shabaqa ilaashatay sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen horyaalka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Milan: Abiati; Abate, Rami, Zapata, De Sciglio; Poli, De Jong, Muntari; Honda, Menez, Bonaventura

Juventus: Buffon; Caceres, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Pogba, Marchisio, Pereyra; Evra, Llorente, Tevez

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada