Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saakay la dilay

Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saakay la dilay

daajis.com:-Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Eng. Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) ayaa saakay lagu dilay nawaaxiga isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, kadib markii gaari uu saarnaa la rasaaseeyay.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaariga uu la socday Eng. Cali Madoobe, iyadoo goobta ay ku dhinteen darawalkiisa iyo askari ilaalinayay.

Maareeyaha ayaa deganaa mid ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir, isagoo saakay oo sabti ah u soo kalahay goobtiisa shaqo.

Eng. Cali Madoobe ayaa ka mid ahaa dadka aqoonta u lahaa howlaha duulista iyo saadaasha Hawada
Eng. Cali Madoobe ayaa ka mid ahaa dadka aqoonta u lahaa howlaha duulista iyo saadaasha Hawada

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay Jowhar.com in gaariga uu la socday maareeyaha uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xafiiskiisa ku yaal, waxaana gaari kale oo rag dabley saarnaayeen ay soo daba dhigteen, kadibna ay ku hor-gooyeen, waxaana ay ku fureen rasaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dableydii hubeysneyd ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.


Todobaadkii hore ayay aheyd markii kooxo hubeysan oo gaari watay ay ku dileen agagaarka KM5 taliye kuxigeenkii La dagaalanka Argagixisada

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkan, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada