David Silva oo Sheegay in Costa Wax Gool Ah uusan Ka Dhalin Doonin Man City.

David Silva oo Sheegay in Costa Wax Gool Ah uusan Ka Dhalin Doonin Man City.

daajis.com:-Laacibka kooxda Man Blue David Silva ayaa ku taageeray Manchester City inay celiso Gool magafaha Chelsea Diego Costa kaasoo carcar ku bilowday waayihiisa Premier League.

Kooxahani loo Saadaalinaayo hanashada horyaalka ayaa ku kulmaya Maalinimada Axada garoonka Etihad Stadium markaas oo kubadsameeyaha City Silva uu ka horimaan doono asxaabtiisa xulka Spain Costa iyo Cesc Fabregas oo Wax Badan Ka Badalay Qaab Ciyaareedka The Blues.

Weeraryahahnka Cusub ee Chelsea Costa ayaa dhaliyay todoba gool afar kulan uu saftay horyaalka Premier League tan iyo markii uu Chelsea kaga soo biiray Atletico Madrid, laakiin Silva ayaa kalsooni ku qaba in kooxda horyaalka difaacaneysa inay noqon doonto kooxdii ugu horeysay ee aamusisa Costa.

“Diego waxa uu yeeshay saameyn mug leh” ayuu yiri.

“Xiriir wanaagsan ayaa la leeyahay Cesc iyo Costa. Waxaan qabaa in Chelsea ay sameysay saxiixyo fantastik ah xagaagan, laakiin saaxiibtinimadeena meel ayaa la iska dhigayaa  sababtoo ah waxaan u soconaa guul.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada