Kulanka Cabdi Wali Gaas iyo Severio Bertolino maxaa ka soo baxay(Sawiro).

Kulanka Cabdi Wali Gaas iyo Severio Bertolino maxaa ka soo baxay(Sawiro).

daajis.com:-Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Aqalka Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Soomaliya Mr Severio Bertolino.

Eng.Axmed Aadan Kitara oo ah Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Puntland ayaa Mr Severio Bertolino ku wehliyay ka qayb galka kullanka uu la qaatay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Qodobadii ay Kawada Hadleen Waxaa Kamid Ahaa :-

1:Dardar Galinta Mashruuca lagu dhisayo Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso .

2:Dayactirka Jidadka isku Xira Magaalooyinka waaweyn ee Puntland kuwaasi oo muhiimad weyn u leh Kobcinta dhaqaalaha iyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka .
3:Dayactirka iyo Qalabaynta Guud ahaan Cisbitaalada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Severio Bertolino waxa ay isku afgarteen in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban, isla markaana ay dowladda Puntland si gaar ah ula socon doonto dhamaan Mashaariicdan .

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu ugu Dambeyn Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNOPS ee Soomaliya Mr Severio Bertolino u caddeeyey in Dowladda Iyo Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin inay ka faa’idaystaan taageerada caalamiga ah ee Beesha caalamka iyo hay’addaha deeqaha bixiyaba siinayaan Puntlnd.

Halkani Ka Daawo Sawirada:





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada