Tirada Dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee ku nool Muqdisho

Tirada Dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee ku nool Muqdisho

daajis.com:-Magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka Somalia, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay  Labo Milyan oo qof, taasoo ka dhigeysa in magaalooyinka ugu dadka badan somalia ay tahay Muqdisho. Magaalo intaasi ay ku nool yihiin, waxaa laga heli karaa dad nooc walba leh, oo xiriir dhan walba ka dhaxeeya.

Labadaasi milyan ee ku nool Muqdisho, ayaa waxaa laga helay 700 qof oo isa soo diiwaan gelisay inay la nool yihiin cudurka dilaaga ah ee cudurka HIV/AIDS oo fara ba’an ku haaya dalalka Afrika ee soo koraya.

Hay’ad lagu magacaabo HIV PLV oo xarunteedu tahay Muqdisho, ayey dadkani iska diiwaan geliyeen sida aan kasoo xiganay Yasmiin Mayow Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho, oo qeyb ka aheyd xubno tababar ku saabsan cudurka AIDS-ka bixineysay, iyadoo boggeeda kusoo bandhigtay Hoggaanka ururka HIV PLV oo iyagi naftooda la nool cudurkaasi dilaaga ah.

yasmin-mayowYasmiin Mayoow waxay sheegtay in Hay’addaasi dadka iska soo diiwaan geliyay ay tiradooda ilaa hadda tahay 700 qof ah, kuwaasi oo nolol caadi ah ku nool.


Hay’addani oo ah mid ay ku mideysan yihiin dadka qaba cudurka HIV/AIDS ayaa waxay xarun ku leeyihiin Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxayna talooyin muhiim ah siiyaan dadka ku cusub cudurkani.

Waxyaabaha ay Hay’addani dadka ku baraarujiso ayaa waxaa ka mid ah, in dadka ogaadaan caafimaadkooda, iyo in Lamaanaha jecel inay guri dhistaan, in marka hore ay jaceylkooda ka hor-mariyaan caafimaadka, taasoo macnaheedu tahay in ay baaris caafimaad maraan ka hor inta aysan is guursan, si ay u ogaadaan caafimaadkooda.

Dadka Soomaaliyeed ee la nool cudurkani ayaan loo hayn qiyaas rasmi ah, iyadoo dad tiro badan oo cudurkani qaba ay sidoo kale ku nool yihiin magaalada Hargeysa iyo deegaanada Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada