daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu caawa si kooban kaga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay'adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Madaxweynaha Somaliya oo caawa si toos ah su'aalo loogu weydiinaayay Telefishinka Qaranka (Somaliya), ayaa wax laga weydiiyay xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay'adda Nabad Suggida Qaranka.
Madaxweynaha, ayaa qaba in xil ka qaadis lagu samayn karo Sanbaloolshe, bacdamaa horey looga xayuubiyay xilkaasi masuuliyiin isaga ka horeysay, ha yeeshee loo baahan yahay in wado sharci ah loo maro.
"Sanbaloolshe waa nin muwaadin ah xilka waa laga qaadi karaa, horey waxaa looga qaaday rag badan oo isaga ka horeeyay, laakiin xil ka qaadistiisa waxaa la rabaa in wado sharci ah loo maro." ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynuhu wuxuu muujiyay inaanay Dowladdiisu aqbali doonin xil ka qaadista Sanbaloolshe, iyadoo uu horey ugu tilmaamay mid ka baxsan Dastuurka u yaal dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee Axadii la kulmay Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu si weyn kaga horyimid xil ka qaadista Sanbaloolshe.
Sanbaloolshe waxaa Axadii xil ka qaadis ku sameeyay Golaha Wasiirada Somaliya, ka gadaal markii lagu eedeeyay xasaanad Xildhibaan, inkastoo aanu Sanbaloolshe wax jawaab ah ka bixin eedeymahaasi
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:25 and have
, Published at