daajis.com:-Donnie Fritts, oo 55 sano jir ah ayaa markii ugu horeysay 10 sano kadib dhunkaday Xaaskiisa, markii cudurka Kansarka uu ka haleelay wejiga, gaar ahaan sanka oo isu furay dalqada, dhabxanaga ilaa cunaha.
Ninkani oo lagu guuleystay qaliin heer caalami ah oo lagu sameeyay ayaa hadda ku jira nolol caadi ah, markii loo sameeyay waji cusub iyo dabool artifishaal ah oo uu ku daboolo sanka iyo cunaha.
Ninkan iyo xaaskiisa ayaa ku kala sigtay inay kala tagaan, nolosha uu ku jiray awgeed, waxayna isla garteen in qaliin lagu badbaadinayo lagu sameeyo, waxayna hadda si farxad leh ay ku wada nool yihiin hal meel.
Donnie Fritts, ayaa loo sheegay sanadkii 2003 inuu kala doorto wejigiisa oo fool xun ama naftiisa, taasoo ku qasabtay in uu foolxumo doorto.
Laakiin hadda wuxuu awoodaa inuu dhunkado xaaskiisa markii ugu horeysay muddo toban sano ah kadib markii waji cusub lagu rakibay, oo uu sheegay in uu haatan doonayo inuu kaxaysto xaaskiisa baararkana kasoo wada casheeyaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:33 and have
, Published at