daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka qeyb galaya
Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada
sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka
Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay
su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray,
aqoonyahano, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Doodan oo si toos ah uga baxeysay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa
Madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan oo jawaab ahaa su’aalo laga
weydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha bulshada.
Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharax ayaa
sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin
kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo cadeeyay in hadii laga
guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga
la doorto.
“Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 doorashada dhici doonta,
sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharax u yahay, hadii la iga
guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo
shaqsiga la doorta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale
muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu mar kale xafiiska ku soo
laabto.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la weydiiyay eedeynta kufsiga lagu
eedeeyay AMISOM, isagoo xusay in taasi marna aanay farxad gelineyn, hase
ahaatee Xukuumadu ay weydiisatay in jawaab cad ka bixiso AMISOM, isla
markaana ay haatan socdaan daba gal kala duwan.
Mar la weydiiyay dhawaaqa ka soo yeeray ee bixitaanka AMISOM ee
sanadka 2016 ayuu sheegay in AMISOM mar walba dalka ka bixi laheyd, hase
ahaatee joogitaankeeda xilligan ay keentay daruufo xag amni, iyo in
Soomaaliya ay gabaad u noqotay Argagixisada, meelo looga duulana ay
noqotay dalalka deriska, ayna doonayaan inay taariikhdaas baabi’iyaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay dowladiisa mudadii
labada sano, waxaana uu rajo ka muujiyay in labada sano ee soo socota ay
gaaraan yoolkooda, ayna u qabsoomaan arrimo badan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay marna raali ka aheyn in
si sharci daro ah inay dalka howlo shidaal baaris ah uga sameeyaan
shirkado shisheeye, isagoo adkeeyay baaq ka soo yeeray Wasaarada
Batroolka ee ahaa in aanay shirkad aan fasax u qabin ay howlo shidaal
baaris ka bilowdo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku aadaneyd arrinta
muranka ku saabsan badda, isagoo cadeeyay in kenya ay calaameysatay qeyb
ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu
xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo qiray in haatan ay socoto
howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee lagu
muransan yahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:50 and have
, Published at