daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)
oo maanta magaalada Baydhabo kulan kula qaatay boqolaal dadweyne ah oo
ka kala socday xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa kaga dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo todobaadka soo socda u furmi doona shacabka Koonfur Galbeed.
Kulanka maanta Baydhabo ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa
mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Baay, waxaana
ugu horeyn hadal ka jeediyey Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin
Axmed Biikole oo ku booriyey shacabka reer Baydhabo inay mar walba u
duubnaadaan garab istaaga iyo taageerrada Dowladnimadooda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka
ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo si rasmi ah
loogu furi doono shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed
maalinnimada Axada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay
14-September-2014 u jeedada shirkaasi loo qabanayana ay tahay in marka
hore ay dadku is cafiyaan, isla markaana la isku calool fiyoobaado,
iyadoo markaasi kadibna ay bulsho heshiis ahi aayaheeda ka tashan karto,
maamulna sameysan karto.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa kula dardaarmay shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed inay
adkeystaan wadajirka iyo isku duubnidooda isamarkaana ay ka shaqeeyaan
sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada guud iyo dowladnimada umadda
Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:34 and have
, Published at