daajis.com:- Dowladda Bulgaria ayaa gacanta ku dhigtay bishan September 01, nin
ka ganacsada Daroogada, una dhashay dalka Turkiga, kaasoo watay
Baasaboor Diblomaasi Soomaali ah iyo warqad magacaabid ah oo sheegeysa inuu yahay Qunsul Sharafeed dowladda Soomaaliya uga wakiil ah gobolo ku yaala dalka Turkiga ( Honorary Consul).
Ninkan oo magaciisa ku sheegay CENGIZ DUMAn NIYAZI ayaa lagu qabtay
garoonka magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, iyadoo waaxda socdaalka
dalkaasi ay ninkani su’aalo weydiiyeen xabsigana u taxaabeen kadib
markii ay ka shakiyeen, midabkiisa, luqadiisa iyo Baasaboorka
Diblomaasiga ah ee uu wato.
Ninkan ayaa wata Baasaboor Numberkiisu yahay D-00003264, waxaana la
bixiyay taariikhdu markay aheyd March 19, 2014, iyadoo laga bixiyay
magaalada Muqdisho, balse ay u dalabtay safaaradda Soomaaliyeed ee
Ankara, Turkey.
Ninkan ayaa sidoo kale u sheegtay waaxda socdaalka ee dalka Bulgaria
inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan dowladda Soomaaliyeed, saddex
gobol oo ku yaala dalka Turkiga, oo kala ah Adana, Gaziantep, iyo
Diyarbakir, isaga oo tusay cardka aqoonsiga iyo warqad magacaabid ah oo
ay u sameysay safaaradda Soomaaliyeed ee Turkiga, fadhigeeduna yahay
Ankara.
Warqadan magacaabida ah ee uu sito ninkan ayaa inoo suurtagashay
inaan helno, waxaana tixraaceedu yahay sidan REF:Somemb/4031/2014. kuna
taariikheysan 10/03/2014.
Warqadan ayaa ka baxday xafiiska Safiirka Safaaradda Turkiga ee
Ankara, Mr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxayna ku socotay
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, taasoo lagu ogeysiinayay
in loo magacaabay Mr. Cengiz Duman Niyazi, inuu yahay Qunsul Sharafeed u
qaabilsan dawladda Soomaaliya gobolada kala ah Adana, Gaziantep, iyo
Diyarbakir (Honnorary Consul of Adana, Gaziantep, and Diyarbakir.
Haddaba, waa kuma ninkan Mr. Cengiz Duman Niyazi,?
Daba-gal madax banaan oo aanu sameynay ayaanu ku ogaanay in ninkan
Cengiz Duman Niyazi uu ka tirsanaan jiray ciidanka Boliiska ee dalka
Turkiga, gaar ahaana kuwa la dagaalanka Tahriibta iyo Daroogada, kaasoo
markii dambe xiriir la yeeshay kooxaha ka ganacsada Daroogada, sidaasi
owgeedna dawladda Turkiga ay ka eriday shaqada Boliiska, isla markaana
ku dartay liiska dadka ka shaqeysta ganacsi sharci daro ah.
Mr. Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa arrintan ka dhaadhiciyay Safiirka
dalka Turkiga u fadhiya dawladda Soomaaliya Mr. Maxamed Mursal Sheekh
Cabduraxmaan, waxaana isla markiiba loo sameeyey warqad magacaabid ah oo
dhigeysa in Mr. Cengiz uu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan Soomaaliya
goboladaasi aan kor ku soo xusnay, waxaana sidoo kale safaaradda
Turkigu ay u sameysay Baasaboor Diblomaasi ah (Diplomat Passport),
waxayna arrintani sahashay in ninkani uu isaga kala goosho dhamaan
dalalka ku xeeran Turkiga ee la isku yiraahdo Balkans countries, sida
Greece, Albania, Macedonia, Bulgaria, Romania, rump Yugoslavia (Serbia
and Montenegro), and Bosnia Herzegovina, waxaana ninkani uu caan ka
noqday dalalkaan.
Ninkan ayaa la aamisan yahay inuu yahay ninka ugu caansan ka
ganacsiga Daroogada ee dalka Turkiga iyo dalalkan Balkans-ka, waxaana u
sahlay howlwadeenada safaaradda Turkiga oo San-dareerto yar ka qaadan
jiray ninkan si uu ugu qaraabto magaca dawladda iyo shacabka
Soomaaliyeed si sharci darro ah.
Dawladda Bulgaria ayaa markii ay qabatay ninkan, waxay warqad qoraal
ah u soo dirtay safaaradda Soomaaliyeed ee Moscow, Russia, iyada oo ka
codsaneysa inay soo kala xaqiijiyaan in ninkani uu ka tirsan yahay
shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, maadaama uu sito Baasaboor
Diblomaasi Soomaali ah isla markaana wato warqad magacaabis inuu yahay
Qunsul Sharafeed Soomaaliyeed.
Weli nooma suurtogelin inaan helno jawaabta Wasaaradda Arrimaha
Dibedda Soomaaliya, balse waxaa inoo suurta-gashay inaan helno warqada
ay soo dirtay Wasaaradda arrimaha dibedda Bulgaria oo ay kaga codsaneyso
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya inay soo kala cadeeyaan in
ninkani uu ka tirsan yahay shaqaalaha Wasaaradda. nasiib darro waxaa
kale oo jirta warqad (official letter), oo ku qoran luqada Bulgaria,
taasoo aysan inoo suurtagelin inaan u helno Turjuno, maadaama ay ku
diyaarsan tahay PDF file, isla markaana Scan lagu soo qaaday.
Arrinta xusida mudan ayaa ah in fadeexadan oo aan ugu magac darnay
(Fadeexadii Qarnigan), ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Arrimaha
Dibedda ee dawladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Bayleh uu dadaal
xoogan ugu jiro sidii uu dib u dhis iyo kala huf ugu sameyn lahaa
dhamaamba howlwadeenada Safaaraddaha oo intooda badan aan lagu soo xulin
(Qualifications), waxaana sidoo kale uu ku howlan yahay Wasiirku sidii
uu u xiri lahaa qaar ka mid ah safaaraddaha aan muhiimada u laheyn
dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay ka howlgalaan shaqaale
aanu tababar-neyn Diblomaasiyadda, balse ku tuugsada dawladdaha caalamka
magaca iyo calanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka arrimaha
dibedda Mr. Bayleh uu ku howlan yahay xakameynta bixinta/samey-sashada
Baasaboorka siyaasiga ah (Diplomatic Passport), waxaana jira sharci la
marsiiyay golaha Wasiirada kaasoo qeexaya cida xaqa u leh heysashada
Baasaboorka Diblomaasiga ah, waxayna tani oof wareen ku noqoneysaa
qorshaha Mr. Beyleh ee xakameynta Baasaboorka maadaama ay heystaan dad
aan Soomaali aheyn oo dano badan u adeegsada, sida Argagixiso iyo
Daroogo.
Dhanka kale, arrintani waxa ay dharbaaxo xoogan ku tahay siyaasada
guud ee dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horeysay ee la
doortay khudbadii uu Baarlamaanka ka hor aqriyay ku sheegay in
dawladdiisu aaney dulqaad u yeelan doonin Musuq-maasuqa lana dagaalami
doonto (Zero tolerance for corruption), waxaana laga dhursugayaa
tallaabada ay ka qaadaan fadeexadan qaran, ee qatarta ku ah jiritaanka
Qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Bashir Ali (Lowyan)
Freelance Journalist
Istanbul, Turkey
E-mail: bashiraliloyan@gmail.com
Freelance Journalist
Istanbul, Turkey
E-mail: bashiraliloyan@gmail.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:27 and have
, Published at