daajis.com:-Dadweynaha ku nool degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa maanta
isugu soo baxay dibadbax looga soo horjeeday Al-Shabaab, laguna
taageerayay howlgalada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku
baacsanayaan maliishiyada al-shabaab.
Dibadbaxayaasha oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Al-Shabaab, kuna
soo dhoweynayeen geerida Axmed Godane oo ahaa Hoggaamiyihii Shabaab
ayaa waxaa markii danbe la hadlay guddoomiyaha degmada Buulo-burte,
C/Casiis Duurow oo sheegay in maamulkiisu dadaal ugu jiro nabad ka
dhacda guud ahaan degmada Buulo-burte, isagoo xusay inay hub u
qaybiyeen dadka reer miyiga ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo uu
ku sheegay koox nabad-diid ah.
"Haddii uu magaalada soo galo qof ka tirsan Al-Shabaab shacabka ayaa
noo soo sheega, markaas kaddibna ciidamada amniga ayaa gacanta ku
dhiga," ayuu yiri Duurow oo sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan
10-qof oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo markii degmadaasi gacanta u
gashay ciidamada huwanta ah.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, Col. Cusmaan Dubbad oo ka mid
ahaa saraakiishii halkaas ka hadshay ayaa isna sheegay in dibadbaxan
maanta ka dhacaya degmada Buulo-burte uu yahay mid ay dadweynaha
degmadaas ku muujinayeen nacaybka ay u qaadeen Al-shabaab.
"Waxaan uga mahad-celinayaa maamulka gobolka Hiiraan dadka degmada
Buulo-burte inay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Al-shabaab oo
dhibaatooyin badan ku haysay, wuxuuna ka ballanqaaday goobta inaysan ka
tegi doonin inta goblka Hiiraan ay guud ahaantiis ay ka dhigaan meel
aanay ku dhuuman karin kooxa xagjirka ah ee Al-shabaab,” ayuu yiri
Dubad.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa gabagabadii
shacabka isugu soo baxay bannaanbaxa u jeediyay hadal kooban isagoo
sheegay in shacabka gobolka hiiraan looga baahan yahay inay qeyb ka
noqdaan dagaalka lagula jiro Shabaab.
"Markii aan baaritaanno ku sameynay kuwa u dagaalama argagixisada
arxan-laawayaasha ah waxaan ogaanay inay ku shaqeeyaan daroogo," ayuu
yiri Afrax oo sheegay dhinaca kale in Al-shabaab waxay wadaan aanay
diin ahayn, balse ay tahay argagix loona soo diray shacabka
Soomaaliyeed, iyagana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:58 and have
, Published at