daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa nasiib daro ku tilmaamay in magaalada Hargeysa
 ay taallo tacsida Hoggaamiyihii Ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi 
Ow-maxamuud oo todobaadkii hore duqeyn ay fulisay diyaaraddaha 
Mareykanka ee duuliyaha laheyn ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweyne  Kxuigeenka Puntland C/Xakiim C/laahi Cumar "Camey ayaa 
nasiib darro ku  tilmaamay in Soomaaliland looga tacsiyeeyay dilkii 
horjoogihii ururka  Alshabaab Axmed Cabdi Godane, halka guud ahaan 
gobolka iyo caalamka  intiisa kale laga soo dhoweeyay dilka 
Hoggaamiyahan oo loo arkay  caqabadda ka taagan koonfurta Somalia iyo 
guud ahaan gobolka.
Wuxuu  ka codsaday Madaxweyne Kuxigeenka Puntland in maamulka 
somaliland ay ka  waantoobaan hadalada ceynkan oo kale isla markaana la 
mid noqdaan  Soomaali inteeda kale, iskana daayaan xumaadada, maadaama 
buu yiri dad  Soomaaliyeed la wada yahay.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE KUXIGEENKA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:54 and have
            
 

 
 
 
 
 
