Madoobe Nuunoow:- Waan soo dhawaynaynaa Dib u Heshiisiinta Odayaasha Digil iyo Mirifle

Madoobe Nuunoow:- Waan soo dhawaynaynaa Dib u Heshiisiinta Odayaasha Digil iyo Mirifle

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmaya Magaaladaasi.


Madoobe Nuunoow Maxamed oo la hadlayay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in shirka maanta ka furmaayo Magaalada Baydhab uusan aheyn mid quseeya arimaha Siyaasada ee ka taagan Magaalada Baydhabo, isaga oo ku nuux-nuuxsaday inuu yahay shirkaasi mid lagu xalinaayo khilaafka ka dhex-taagan dadka dega Goboladaasi.


Hogaanka Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale ku waramaayo inay soo dhaweynayaan shirkaasi hadii ay yihiin masuuliyiinta maamulka Lixda Gobol, wax fiicana ay tahay in shirkaasi la qabto.

Inkastoo uusan kala cadeyn Madoobe Nuunoow Maxamed inay ka qaybgalayaan shirkaasi iyo inkale, ayaa wuxuu sheegay in wax muhiim ah ay tahay in Odayaasha Digil iyo Mirifle ee is khilaafsan in la xaliyo.

Sidoo kale Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa taageeray dadaalada nabadeed ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.


“Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo, waa wax aad loogu farxo, Shirka Baydhabo ma’ahan mid quseeya Siyaasad iyo arimaha ku aadan Maamulada lixda Gobol iyo saddexda Gobol, sidoo kale ma’ahan shir saameyn ku yeelanaayo Hay’adaha Dastuuriga ee maamulkaasi”Ayuu yiri Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxaa la dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirkaan oo socon doono muddo bil iyo bar ah, waxaana maanta lagu wadaa inuu daah-furo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada