R/Wasaaraha Soomaaliya oo sharaxay sababtii keentay in xilka ka qaadaan Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Qaranka

R/Wasaaraha Soomaaliya oo sharaxay sababtii keentay in xilka ka qaadaan Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Qaranka

daajis.com:-R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo kusugan Magaalada London ayaa ka hadlay sababta keentay in Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadaan Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

C/wali Sheekh Axmed R/Wasaaraha Soomaaliya oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha rasmiga ah ee ka dambeysay in golaha Wasiirada shir deg deg ah ay yeesheen xilka uga qaadeen Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Qaranka.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida uu si qaldan u xiray Masuul katirsan Dowlada sidoo kalana uu hadalo aan fiicneyn kula hadlay Madax isaga ka sareysa , waxa uuna intaa ku daray in Sanbaloolshe sidoo kale uu ku kacay ku takri fal awoodeed.


'' Mar walbo isbadal waa dhacaa iyo xil ka qaadista ,Waxaa keenay in Taliyaha Xilka laga qaado xarig aan sabab laheyn uu u geestay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , kutakri fal awoodeed iyo in si aan wanaagsaneyn uu ula dhaqmay Masuuliyiin kasareysa'' Ayuu yiri R/Wasaare Cabdi Wali.

Hadalka R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali ay jiro khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wali shaqadiisa sii wata.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada