R/wasaare Cabdiweli oo Al-shabaab u qabtay in dalka laga ciribtirayo ilaa 2015

R/wasaare Cabdiweli oo Al-shabaab u qabtay in dalka laga ciribtirayo ilaa 2015

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waqti u mudeeyay in Al Shabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya, xilli Dowladda ay wado guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab.


C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in hadii la gaaro sanadka 2015 dalka Soomaaliya aan lagu arki doonin meel ay ku sugan yihiin Shabaab ama ay maamulayaan, isaga oo taasi ku muujiyay balan qaad uu u sameeyay Jaaliyada Soomaalida ee London, xilli uu la hadlaayay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu Jaaliyada ugu laab qaboojiyay in gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo gashay ku dhawaad 15-Degmo oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya, howlgalkaan hada socda iyo kii kan ka horeeyay intaba marka la isku daro.

“Waxaan idiin balan qaadayaa, hadii Wasiirka uu ka aamusay inuu balan qaad idiin sameeyo, sanadka 2015 Al Shabaab meel ay maamulaan ama ay ku sugan yihiin Insha Allah lama arki doono, Shabaab dalka waa laga saarayaa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


Ujeedada uu ujoogo Magaalada London ee dalka Uk, ayuu C/wali ku sheegay inay tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ciidanka xooga dalka ay unoqdaan kuwa ku filan hanaanka sugidda amniga dalka Soomaaliya, maadaama Amisom aan loo baahneyn inay dalka sii joogaan.

“Anaga mar waliba ciidamadeena ayaa na deeqa waxaan halkaan u imid oo Wasiirka Gaashaandhiga ii la socda, waxa ay tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, mar waliba ciidamadeena ayaa na deeqa”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare C/wali.

Madaxda dalka Somaaliya ayaa dhowr mar shacabka u balan qaaday in Shabaab dalka laga saaraayo, balse weli mucaaradka Shabaab ayaa ka dagaalamaya dalka Soomaaliya oo awood ayeey leeyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada