VIDEO:- M/weyne Geelle iyo Sh. Max'ed Idiris oo Soomalida ugu baaqay inay horumarkooda.

VIDEO:- M/weyne Geelle iyo Sh. Max'ed Idiris oo Soomalida ugu baaqay inay horumarkooda.

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegay in asagoo tixraacaaya hadal horey uga soo yeeray wadaad Soomaaliyeed uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay isku xishoodaan oo ay isla yaabaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda nabad iyo horumar ay ugu soo celin lahaayeen.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaantaan la hadlaayey jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu ugu baaqay inay isku xishoodaan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu sheegay inuu telefishinka ka daawaday sheekh Soomaaliyeed oo ku leh dadka Soomaalida erayga ah Shame on You taas oo uu ula jeeday sheekhu inay isku xishoodaan oo ay isla yaabaan oo ay ka waantoobaan dadka Soomaaliyeed dhaqanka xun iyo dagaalada ay ku caan baxeen oo ay qaataan wanaaga iyo nabada.


Madaxweyne Geele ayaa waxaa uu sheegay inuu sheekhaas ka soo wariyey oo uu sheegay inuu mudo dheer ka hor ay tuuladiisa uu ku noolaa ay wax walba oo ay ugu yar tahay waraaqaha boostada ee looga soo diro wadamada Yurub ay ugu imaan jireen tuuladaas yar laakiinse ay hada suuro gal ahayn xataa in magaalooyinkii waa weynaa ee dalka Soomaaliya loo diro waraaq.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada