Al-Shabaab oo isaga baxday deegaanka Garabla’ oo hoostaga Ceelbuur

Al-Shabaab oo isaga baxday deegaanka Garabla’ oo hoostaga Ceelbuur

daajis.com:-Wararka Naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud yaa sheegaya in Al Shabaab ay isaga baxeen deegaan lagu magacaabo Garabla’ oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Barqadii maanta ayaa la sheegay in ciidamada Shabaab iyo Saraakiil ka tirsan ay isaga baxeen Deegaankaasi, oo muddo ay ku sugnaayeen tan iyo markii Shabaab ay qabsadeen meelo kamid ah Gobalka Galgaduud.

Inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn sababta keentay in ciidamada ay isaga baxaan deegaanka Garabla’, ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan in ciidamadaan ay dareemeen dhaq-dhaqaaqa ciidan ee maanta ka biloowday Gobalka Galgaduud ee ay bilaabeen ciidamada huwanta.

Deegaanka Garabla’ ayaa ku beegan Bariga Degmada Ceelbuur, wuxuuna kamid yahay deegaanada lagu tiriyo inay hoostagaan Degmada Ceelbuur oo hada gacanta ugu jirta ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ciidamada Al Shabaab ee isaga baxay Deegaanka Garabla’ ayaa ujiheestay dhanka Galhareeri oo kamid ah dhulka ay maamulaan Shabaab, kana mid ah Gobalka Galgaduud.

Culeesyo milateri ayeey Shabaabka ka dareemayaan Gobalada dalka, xilli uu socdo howlgalka Badweynta Indiya ee Shabaab guud ahaan dalka Soomaaliya looga saarayo.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Galgaduud, ayaa maanta ku goodiyay inuu biloowday howlgal Shabaab looga saarayo Gobalka Galgaduud dhulka ay ka joogaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada