Dagaal u dhexeeyo ciidanka Huwanta iyo Al-shabaab oo hadda ka socdo deegaanka Fiidow

Dagaal u dhexeeyo ciidanka Huwanta iyo Al-shabaab oo hadda ka socdo deegaanka Fiidow

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Fiidow ee xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in hadda uu dagaal xooggan ka socdo.


Dagaalka ayaa u dhexeeyo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo garab ah iyo Al-shabaab, waxaana lagu warramayaa inuu dagaalka sii xoogeysanayo.

Goob-jooge la hadlay shabakadda Calanka.com  ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka waa weyn, iyadoo ay jirto khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ee dagaalka, iyadoo sidoo kale aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ama AMISOM.

Wixi warar ah ee kusoo kordho isha ku haay: daajis.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada