War Deg-Deg:- Dowlada & AMISOM oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Cadale.

War Deg-Deg:- Dowlada & AMISOM oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Cadale.

daajis.com:- Waraarka Ka Imaanaya Degaano Ku Dhaw-dhaw Degmada Cadale ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada DFS iyo Kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmada cadale ee G/Sh/dhexe.



cadaleCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa saaka ku dhaqaaqay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.



Ilawareedyo Ay heleyso daajis.com ayaa waxaa ay ku waramayaan in xaafado ka tirsan Degmadaasi ay Gudaha u Kaleen Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Midowga Afrika,balse ilaa iyo iminka kama aysan hadlin masuuliyiinta dowlada ee halkaasi lasoo warinaayo in ay gacanta ku dhigeen.



Taliyaha ciidamada Milateriga ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose Generaal Qaafoow, ayaa wuxuu horey u sheegay in ciidamada saacadaha soo socda ay qaban doonaan Degmada Cadale,hadalkaasi oo uu sheegay inta uusan dagaalka ku qaadin Degmadaasi.



Degmada Cadale ayaa waxaa ay ka mid tahay Deegaanada Fara ku tiriska oo ay Al-shabaab Ka Arimiyaan,Hase ahaatee Tan iyo Markii uu Bilaawday Howlgalka Badweynta india ayaa waxaa Al-shabaab Laga Saaray Deegaano Dhowr ah oo ay ka maamuli jireen Gobolada Dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada