Shaqaalaha Tv Puntland oo Shaqa Joojin Sameeyay Taas oo ay Luk kuleeyahiin"Faroole iyo wiilkiisa"

Shaqaalaha Tv Puntland oo Shaqa Joojin Sameeyay Taas oo ay Luk kuleeyahiin"Faroole iyo wiilkiisa"

daajis.com:-Shaqaalaha ka howlgala Telefshinka ku hadla afka Maamulka Puntland ayaa xabsiga loo taxaabay mudo saacado kooban ah oo ay ku jireen kadibna, dadaal la sameeyay lagu guuleystay in lasii daayo, kadib markii ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Shaqaalaha ka howlgala TV Puntland oo intooda badan ka howlgala Idaacadda Garowe, waxaana la sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen in ay ka danbeysay guubaabo ka timid Milkiilaha Idaacadda Garoowe Cabdiraxmaan Faroole iyo wiilkiisa oo saluugsan maamulka Cabdiweli Gaas. Inkastoo shaqaalaha ay ka cabanayaan dhaqaale xumo.

wariyeyaal-garooweTifaftiraha TV Puntland oo kusoo caan baxay Idaacadda Garoowe, qibradiisii ugu horeysayna ku bartay halkaasi, iyo shaqaalaha kale oo isla Idaacaddaasi kusoo wax bartay ayaa ka howlgala TV-ga Puntland oo Madaxweynihii hore uu aasaasay, waxayna arintani shaqo joojinta ay salka ku haysaa arrimo siyaasadeed oo u dhaxeeya Maamulka cusub iyo Madaxweynihii hore oo shaqaalaha ka howlgala horay u carbiyeystay.

Maalmihii u danbeeyay waxaa hakad ku jiray howlaha TV-ga Puntland, waxaana wararka laga soo tebinayay xarunta uu Londan ku leeyahay.

Shaqaalaha ayaa maamulka cusub ee Cabdiweli Gaas hordhigay shuruudo fara badan, taasoo keentay in maamulka aqbali waayo, waxaana markii danbe xabsiga la dhigay 18 shaqaale ee ka howlgala xarunta Garoowe, inkastoo markii danbe dadaaalo ay sameeyeen ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map lagu sii daayay.


Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah wiilka curudka C/raxmaan Faroole ayaa qeyb ka ah howl joojinta ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha ka howlgala xarunta Garoowe, kuwaasi oo kusoo indha qaaday Idaacadda ay leeyihiin ee Garoowe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada