Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Raage Ceele la wareegay

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Raage Ceele la wareegay

daajis.com:- Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si nabdoon kula wareegay degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay sidoo kale kusii siqayaan Degmada xeebta leh ee Cadale.

Wararku waxay sheegayaan in Al-Shabaab oo muddo ka talinayay degmadaas ay isaga baxeen. Taliyaha ururka labaad ee Guutada Afaraad G/lle C/qaadir Nuur Xasan (Qoondhe) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen, isla markaana aanay jirin wax iska caabin oo ay la kulmeen.

“Degmada Raage Ceelle, si nabad ah ayaa kula wareegnay, ciidamada waxay hada xaqiijinayaan ammanka, qolyihii kale ee nabad diidka ahaa waa ka carareen degmada”ayuu yiri G/lle C/qaadir Qoondhe.

Sidoo kale Maliishiyada Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada xeebta leh ee Cadale, iyadoo ciidamada Dowladda ay kusii siqayaan.

AMISOM-Somalia
Qorshaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ah sidii guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe ugu saari lahaayen al-Shabaab, oo weli gacantooda ku jirto degmooyinka Aadan Yabaal, Ruunir Good, iyo deegaano kale.

Degmada Raage Ceelle ayaa 100-km waqooyi bari ka beegan caasimada dalka ee Muqdisho, waxayna muhiim u tahay isku xerka degmooyinka gobolka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada