Boqor Cabdalla oo helay warqad uu diray Madaxweynaha Somalia

Boqor Cabdalla oo helay warqad uu diray Madaxweynaha Somalia

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha Dastuurka Faarax C/qaadir ayaa Fariin qoraal ah oo ka socotay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud u gacan geliyay Wasiir Kuxigeenka arrrimaha dibada Sacuudiga oo usii gudbiyay Boqorka dalkaasi Abdulla Bin C/casiis.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu warqad gaarsiiyay Boqorka dalka Sacuudiga.

farax-xasan Madaxweynaha iyo Wasiir Faarax oo hadlaya Warqada oo aan la garaneynin, waxa ku qoran ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ka qaaday, Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax C/qaadir.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga “SPA” waxa ay sheegtay in Warqadaasi ay Boqorka kasoo gaartay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, inkastoo wararku sheegayaan in Madaxweynaha Somalia uu ugu hadlayay arrimaha Somalia, sidii Sacuudiga ugu qeyb qaadan lahaa gargaarka, taageerada Dowladda iyo qorshaha siyaasadeed ee hiigsiga 2016 oo la qorsheeyay in doorasho ka dhacdo somalia.

Dhinaca kale Wasiir Faarax ayaa xubno ka tirsan xukuumadda Sacuudi Carabiya kala hadlay sidii ay kaalin muuqata ugu qeyb qaadan lahaayeen taageerada Dowladda Federaalka Somalia.


Wararku waxay intaa ku darayaan in suuragal tahay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu u ambabaxo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu ula kulmo Boqor Cabdalla bin C/casiis.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada