Olivier Giroud oo kordhiyay inta uu sii joogayo Arsenal.

Olivier Giroud oo kordhiyay inta uu sii joogayo Arsenal.

daajis.com:-giroud Laacibka Dhanka Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Arsenal Iyo Xulka France Olivier Giroud ayaa waxaa uu kooxdiisa u saxiixay heshiis Cusub oo gaarayan ilaa 2018 kaas oo kusii joogaya garoonka Emarites Stadium.

Weeraryahankani oo hada naadiga dhaawac kaga maqan ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku sii sugnaado gagida Gunners-ka waxa uuna shaaciyay in uu quudareenayo in uu cashir lama ilaawaan ah uu ka sameeyo Garoonka Kooxda.

Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aad u bogaadiyay Giroud,iyadoona uu sheegay Giroud uu i noqonayo ciyaaryahankii ugu waqtiga fogaa eek u sii sugnaada Arsenal.

Dhawaan ayey aheyd markii ay xiddigaha kale ah Laurent Koscielny,Per Mertesacker,Wojciech Szczeany,Santi Cazorla iyo Tomas Rosicky ay dhamaan heshiisyada u cusboonaysiiyeen kooxdooda xilli ciyaareedkii hore,balse Giroud ayaa lagu wada inuu dhaawac ka soo laabto Sanadka Cusub.

Kooxda Gunners-ka ayaa u dagaalamaysa hanashada koobob fara badan inkastoo ay xagaagan aad u baadi goobayaan in ay gacanta ku dhigaan koobka aysan waligood qaadin ee ah Champions League.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada