Warbaahinta Reer galbeedka oo baahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan Duqeyntii Sh/hoose

Warbaahinta Reer galbeedka oo baahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan Duqeyntii Sh/hoose

daajis.com:-Warar horudhac ah oo ay baahiyeen warbaahinta galbeedka ayaa lagu sheegay in ilaa 6 ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerar duqeyn ah oo xalay diyaaradaha Mareykanku ku qaadeen gaadiid ay wateen saraakiil ka tirsan Alshabaab oo marayey meel ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Abuu Muxamed ayaa maanta oo talaado ah u sheegay wakaaladda wararka AP in duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ay xalay ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay lix ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab.
Abuu Muxamed ayaa AP sheegay in labada gaadiidka ah ee la duqeeyey uu mid ka mid ah la socday hogaamiyaha Alshabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr. Abuu Muxamed ma uusan sheegin in lixda dhimatay uu ku jiro Godane iyo in kale.
“Duqeyntii Mareykanka uu ka geystay meel ku dhow Sablaale lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay,” ayuu yiri Abuu Muxamed. Ma sheegin Abuu Muxamed magacyada dadka la dilay.

Mareykanka ayaa sheegtay weerarka, waxey sidoo kale sheegeen iney lagu bartilmaameedsaday saraakiisha sar-sare ee ururka Alshabab oo uu Axmed Godane ku jiro.
Alshabaab weli kama hadlin duqeynta xagga cirka ah ee Mareykanku xalay ku qaaday gobolka Shabeellaha Hoose.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada