Wasiirka Warfaafinta oo Ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo Ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Soomaaliya

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow, ayaa maanta ammaanay doorka hoggaamineed ee UK ee Somalia iyadoo uu maanta London ka socdo Shirka Amniga oo ay UK iyo Somalia wada shir-guddoominayaan.


Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa ka qeybgalaya shirka London oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga Mudane Mohamed Shiekh Hassan, Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheikh Ali Duhulow iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dahir Adan Elmi (Indho Qarshe). Kulankan oo ka dhacaya xarunta Lancaster House ee London ayaa looga hadlayaa sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan shirkan muhiimka u ah Somalia u nimaadno London oo looga hadlayo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo kala danbeyn. UK ayaa in muddo ahba aheyd saaxiibkeena qaaliga ah oo ay marwalba nala garab taagnaayeen taageero joogta ah, iyagoo door hoggaamineed qaatay. Shirarkii hore ee London loogu qabtay Somalia ayaa waxey isu keeneen caalamka oo ay diiradda u saareen arrimaha Somalia, tanoo ah mid ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay aad ugu faraxsanyihiin. Kulankan looga hadlayo arrimaha amniga Somalia ayaa imanaya waqti xasaasi ah oo ciidanka XDS iyagoo kaashanaya AMISOM ay ku guda jiraan howlgalka Badweynta Hindiya oo lagu baacsanayo kooxaha argagaxisada ah kuwaas oo guulo waaweyn laga soo hoyey, ayna ka mid tahay dilkii hoggaamiyahii Al-Shabaab Ahmed Godane.”



Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa yiiri “Ujeedooyinka kulanka Amniga Somalia ee lagu qabanayo London maanta ayaa waxaa ka mid ah in la hubiyo in waddamada deeqaha siiya Somalia ay kordhiyaan taageeradooda ciidanka XDS si ay u hantaan soo celinta amniga Dalka. Dowladda Federaalka ayaa maanta shirka hor-dhigi doonto qorsheyaasheeda ku aadan sidii ciidanka XDS dib loogu dhisi lahaa, isla markaana ciidamada kala duwan loo mideyn lahaa, iyadoo la dhowrayo nidaamka cunaqabateynta hubka, iyo ilaalinta xaquuqul insaanka. Kulankan ayaa waxaa laga filayaa inay ka soo baxaan go’aano muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la isku raaco qorshaha horumarinta ciidanka XDS tan iyo 2019ka, in deeq bixiyeyaasha ay caddeeyaan dadaalkooda taageerada ciidanka XDS, iyo in Somalia iyo UK ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dabo gali lahaa ballanqaadyada la sameeyo. Waxaa kaloo ka fileynaa kulankan in wadamada deeq bixiyeyaasha ah ay goobta kulanka ka sheegaan deeqaha ay u qoondeeyeen ama u ballanqaadeen dhismaha iyo tayeynta ciidanka XDS.”

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Dowladda Federaalka ee Somalia waxey si hagar la’aan ah ugu mahadcelineysaa Dowladda UK oo uu hoggaamiyo David Cameron oo ah Ra’iisul Wasaaraha UK oo runtii muujiyey door hoggaamineed ee arrimaha Somalia, oo aan aheyn oo kaliya in shirar joogta ah Somalia loogu qabtay London, laakin ay teegeerada UK ka muuqato dalka gudihiisa, sida inay safaarad shaqeyneysa ka furteen Somalia (oo ah tii ugu horreysey ee waddamada Galbeedka), taageeradooda mashruuca Xasilinta Dalka, ka qeybqaadashada horumarka Xaquuqul Insaanka, taageeradooda ku aadan sidii loo soo afjari lahaa tacadiyada loo geysto dumarka, taageeradooda dhanka istraatejiyada warbaahinta, dib u habeynta garsoorka iyo arrimo kale oo fara badan. Ma hilmaami doono taageerada UK, waana naga go’tantahay inaan fursadan ka faa’iideysano si aan u soo celino amnigii iyo kala danbeyntii Somalia iyo inaan xaqiijino hamigeena ah inaan aragno Somalia oo ka xasiloon dhanka amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha oo aan ka mid noqono waddan muhiiim u ah caalamka oo kaalintiisa ka soo dhalaala.”

DHAMAAD:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada