Akhriso 12 qodob ee Dowladda iyo Puntland ku heshiiyeen: SAWIRRO

Akhriso 12 qodob ee Dowladda iyo Puntland ku heshiiyeen: SAWIRRO

daajis.com:-W axaa Duhurnimadii maanta magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay shir mudo afar maalin u socday wafdi Ra´iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Cabdiweli Sheekh hoggaaminayay iyo Guddi uu madax u ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, shirkaasi oo gabagabadiisa laga soo saaray 12 qodob oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Ra´iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Cabdiweli Gaas ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiisyadan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wafuud beesha caalamka madaleysay, Ergayga Qaramada Midoobay iyo wakiilka Igad.

Qodobada labada dhinac ay isla garteen ayaa

1-Dastuurka iyo Arimaha Federaalka:

A-Dowlada Federaalku waxay ka garaabeysaa dooda Puntland ee ku aadan wax ka badalka dastuurka, waxaana lagu heshiiyey in arintaasi labada baarlamaan ay ka wada hadlaan, dowladdana ay fududeyso.

B- Dhamaystirka iyo Fulinta Dastuurka: Waxaa laysku raacay in la dedejiyo dhamastirka dastuurka iyo fulintiisaba iyadoo loo marayo sida uu qabo cutubka 15aad ee isla dastuurku.yuulka-gaas-heshiis-1C- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka Noqonaya Federaalka: in maamulka KMG ah ee gobolada Dhexe oo dowladda hoggaamineyso uu ka koobnaado gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug, sidoo kale waqooyiga Mudug wuxuu ka tirsan yahay  Puntland.

D- Dhismaha Ciidamo Qaran oo Umadda ka Dhexeeya:  qodobkaas waxaa lagu heshiiyey in loo raaco sida ku xusan heshiiskii Garowe [March 11, 2013]. Heshiiskaas oo ay wada saxiixeen  Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroleoo tibaaxaya dhismaha ciidan qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan lagana kala keeno dhamaan gobolLada iyo degmooyinka dalka.

2- Heshiisyadii horay loo wada galay: labada dhinac waxay isla qaateen in heshiisyadii horay Puntland iyo Dowlada Federaalku u wada galeen ay waajib tahay in la fuliyo, maadaama heshiisyadii hore hirgeli waayeen waxaa heshiiska maanta la kala saxiixday iyo kuwii horeba fulintooda iyo daba galkooda loo xilsaaray gudi isku dhaf ah.

3- Heshiisyada horumarineed iyo kuwa caalamiga ah: waxaa lagu heshiiyey fududeynta heshiisyada noocaas ah iyadoo loogu dhaqmayo sida ku cad dastuurka qodobkiisa 53-aad.yuulka-gaas-heshiis-2

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee Lagu Helo Magaca Soomaaliya: gudiyada labada dhianc waxay ku heshiiyeen in si cadaalad ah loo qaybiyo dhammaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliya lagu  helo.

5- Hiigsiga 2016: maadaama aan weli wadatashi buuxa laga samayn waxa laga yeelayo hiigsiga sanadka 2016 iyo caqabadaha jira, Puntland iyo Dowlada Federaalku waxay ku heshiiyeen in arintaas si wadajir ah looga tashado qorshena looga yeesho caqabadaha jira.

6- Hantida Umadda Soomaaliyeed ee Dibada ku Maqan: In si cadaalad ah loo qaybsado  handidada loo soo celiyo, iyadoo jidka loo marayaana noqonayo mid cad oo laga wada tashaday.

7-Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare Puntland: Qaab ahaan waxay u ekaaneysaa Shahaadada wasaaradda Waxbarashada Somalia, iyadoo lagu muujinayo astaanta Dowladda Federaalka waxaa sidoo kale ka muuqata magaca Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxay sidoo kale Dowladda aqoonsan tahay Shahaadada lagu heshiiyay, waxayna u gudbineysaa Dowladda Sudan iyo cidii kale ee loo baahdo in loo caddeeyo in puntland qaato imtixaan mideysan oo DF aqoonsan tahay.

8-Isu dheelitirka jagooyinka Dowladda Federaalka magacaabeyso:  in Dowladda federaalka soo magacowdo saraakiisha ciidamada, Diblumaasiyiinta, gudiyada madaxa banaan iyo shaqaalaha rayidka ah, loona qeybsado si cadaalad ah, iyadoo la isku waafaqay in haweenka saami fiican la siiyo.yuulka-gaas-heshiis-3

9-Hantida la kala haysto: waxaa lagu heshiiyay in arintaasi loo fuliyo sida ku cad heshiiskii 11 marso 2013, ee leh waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in dowladda federaalka dedejiyo isu celinta hantidada gaar ahaaneed si loo helo dib u heshiisiin dhab ah, iyadoo loo magacaabayo guddiyo heer qaran ah oo madax bannaan go´aanadiisa leh awood gaar ah.

10-Qaabka wadashaqeynta Dowladda iyo Puntland waxaa la isla qaatay sida ugu wanaagsan ay iskula shaqeyn karaan inay tahay.
A-kor u qaadista kalsoonida iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland, in la xoojiyo xiriirka la isna dhaafsado booqashooyin labada dhinac lana ilaaliyo baratakoolka dowliga ah.

B-In la dhiirigeliyo wadashaqeynta hay´addaha kala duwan ee dowladda federaalka iyo Puntland.

C-In la dhaqan geliyo dhamaan heshiisyadii dhex maray dowladdigii KMG ahaa iyo Puntland, wixii aan ka hor imaaneynay dastuurka.
D-Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka.yuulka-gaas-heshiis-4

E-In laga hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, wixii tabasho ahna lagu xaliyo wada hadal.

11-Qodobada iyo ajandayaasha aan ku jirin heshiiskaan ee Puntland soo gudbisay waxaa lagu heshiiyay in fadhiyada kale looga hadlo.

12-Heshiiskaan wuxuu soo afjarayaa wixii khilaafaad ahaa ee u dhaxeeyay labada dhinac, wuxuuna daah furayaa is afgarad, wada shaqeyn toos ah iyo iskaashi lagu xaqiijinayo danaha qaranka Soomaaliyeed iyo horumarinta geeddi socodka nabadda Dowladda Federaalka iyo heer Dowlad goboleed.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada