RW oo u ambabaxay Brundi kadib heshiiskii Puntland: Sawirro

RW oo u ambabaxay Brundi kadib heshiiskii Puntland: Sawirro

daajis.com:- Ra’iisul Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa gelinkii danbe ee maanta ka duulay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, isagoo u ambabaxay dalka Burundi, oo casuumaad uu ka helay madaxda dalkaasi.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gelinkii danbe kasoo laabtay magaalada Garoowe oo maanta halkaasi uu ku soo saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ay wada gaareen, kaasoo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah.

Safarka uu ugu ambabaxay Brundi ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada al-shabaab.

“Waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo aan ku tagay Puntland oo ujeedkiisuna ahaa dhiiri-gelin Federaalaynta, guul ayuuna nooga soo dhamaaday oo illaahay nagu nabad-yeelay anna kala kulanay natiijooyi wax tar leh. ugu danbayntiina, waxan kala saxiixanay heshiis nuxur leh oo iskaashi, wada-tashi iyo is-kaalmeysi ku dhisan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha mar uu ka hadlayay safarkii Puntland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada