Wasiir sharci daro ku tilmaamay heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Puntland

Wasiir sharci daro ku tilmaamay heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Puntland

daajis.com:- Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Federaalka Somalia iyo siyaasiyiin ayaa ka horyimid heshiiskii 12 qodob ka koobnaa ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ay ku gaareen Magaalada Garoowe, kaasoo dhinaca DF uu u saxiixay Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.


Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Mahad  Maxamad Salaad oo ku sugan Gobalka Gal-gaduud. ayaa sharci daro ku tilmaamay Qodob ka mid Qodobadii lagu Heshiiyay oo dhigayay Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe in uu ka koobnaan doono Gobolka Gal-gaduud iyo qeyb kamid Gobolka Mudug, isagoo qodobkaasi sheegay inuu ka hor imaanayo Dastuurka dalka.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in qodobkaasi uu sidoo kale ka hor imaanayo Heshiiskii Maamul usameenta Gobolada Dhexe ee dhawaan lagu saxiixay Muqdisho.


Mahad Salaad ayaa intaa raaciyay in Maamul Gobaleed aan loo dhisi karin hal Gobal iyo bar Dastuurkana uu ka hor imaanayo,isagoona xusay in Maamul goboleed loo dhisi karo laba Gobal iyo wixiika badan.

Arintan ayaa dhalisay in siyaasiyiin iyo xubno Dowladda ka tirsan ay naqdiyaan, kana hadlaan suuragalnimada wax lid ku ah dastuurka dalka in lagu heshiiyo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada