Askari Soomaaliya u socday oo cudurka Ebola lagu arkay

Askari Soomaaliya u socday oo cudurka Ebola lagu arkay

daajis.com:- Askari u dhashay dalka Sierra Leone oo ka mid ahaa hal Batalyan oo usoo diyaar garoobaysay Soomaaliya ayaa laga helay cudurka dilaaga ah ee ee Ebola.

800 Askari  ayaa dowladda Sierra Leone usoo direysay Somalia, taasoo keentay in dib loo dhigo mudo 21 maalnood ah, waxaana lagu karantiilay xarun milateri si dhamaantood baaris loogu sameeyo, maadaama mid ka mid ah laga helay feyruska cudurka Ebola.

"Red Cross dead body management team conducts two community burials"Dowladda Sierra Leone waxay sheegtay in la karantiilay dhamaan halkaasi guuto ee u diyaarsanaa inay ka mid noqdaan ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

Waa markii ugu horreysey oo cudurka Ebola  lagu arko ama uu saameyn ku yeesho askari u diyaarsanaa inuu u soo safro Somalia.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa weli warkani ka hadlin, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadaneyso ciidamada ka imaanaya dalalka uu ka jira cudurka dilaaga ah ee Ebola

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada