Al-Shabaab oo guud ahaan ka baxday Baraawe: Video

Al-Shabaab oo guud ahaan ka baxday Baraawe: Video

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay degmada Baraawe oo ahayd degmadii ugu muhiimsanayd ee gacantooda ku jirtay, kadib markii ciidamada  Dowladda iyo kuwa AMISOM ay u jirsadeen in ka yar 20 Km.

Wararka ka imaanaya Baraawe ayaa sheegaya in ciidamadii Alshabaab ay haatan ku sugan yihiin meelo aan ka fogeyn magaalada Baraawe oo lagu magacaabo Ambareeso oo difaacyo adag ka sameysteen.

Lama oga sababata ay ugaga baxeen ururka Alshabaab magaalada Baraawe inay tahay mid la xiriirta xeelad dagaal. Mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen ka bixitaankooda magaalada Baraawe oo u ahayd saldhig weyn.SHABAB-BARAWE

Dadka u dhuundaloola siyaasada dalka Soomaaliya ayaa u arka ka bixitaanka ururka Alshabaab ee degmada Baraawe iyo dilkii horaantii bishii hore lagu qaarijiyay hogaamiyahoodii Axmed Godane inay tahay dib u dhac mar kale soo gaaray ururka ayna adag tahay inay dib ugaga soo kabtaan.

Maalmahan ayaa Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxay dib u bilaabeen howlgalkii loogu magac daray badweynta India, iyadoo ku faafay demooyin ku teedsan xeebaha gobolka Sh/dhexe oo ay ku jirto degmada Cadale.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada