Bal Arag Marwadaan Caqliga Badan Waxay Sameysay Markii Ninkeedu Damcay Inuu Furo

Bal Arag Marwadaan Caqliga Badan Waxay Sameysay Markii Ninkeedu Damcay Inuu Furo

daajis.com:- Wuxuu yidhi: Xabiibi xaaskayeey, gabadh kale ayaan jeclaaday..mana karayo inaan labadiina isku wado oo waxaan ku qasbanahay inaan adiga ku furo.

Waxa ay jawaabteedu ahayd: waa sax xabiibi.. balse labadan shardi waa inaad fulisaa.


Shardiga koowaad: Waa inaad dib u dhigtaa furniinka muddo bil ah ilaa uu wiilkeenu ka dhamaysanayo imtixaanka.

Shardiga labaad: Waa inaad iga soo qaadaa sariirta ilaa Albaabka maalin kaste muddadaas bisha ah..Waa sax ku idhi anigoo yaaban.

Intaan isa sii daayay ilaa gurigii gabadha aan jeclaaday, warkii ku taabtay, iyana waa sax tidhi, waa inoo bil kadib isku afgaranay.

Maalintaas kadib ayaan maalin kaste xambaaray gabadhaydii, subax kaste markaan qaado intay qoorta i qabsato kadibna dhunkasho macaan mac igu siinaysay, waji farxad leh igu eegaysay, angiuna maalinba maalinka ka sii dambeeya aan sii jeclaanayay, iyada oo malmihii ugu sii dambeeyay is lahaa yaa xoogaa kale kuugu sii dara.

Markay bishii dhamaatay ayuu jacaylkaan u hayay gabadhaydu dib iigu cusboonaaday, meel la i qabtay mooyee waan ka fikiraa uun, kadib waxaan go’aansaday inaan labada dumaraba isku hayo oon wada qabo.

Hadana isa sii daatay ilaa gabadhaanu ballanay, isla sidaadaan ugu sheegay go’aankayga cusub intay dhirbaaxo indhaha ii saabisay ayay iga dhaqaaqday.

Aniguna mabaan cadhoone idhi waa qushigeed, Ilaahay ayaa kaa badbaadiyay qoftan, Gurigaygii iskaga soo noqday oo u imid xaaskaygii, uga sheekeeyay waxa dhacay kadibna waxay igu tidhi:
Xabiibi waxaan rabaa inaan kuu sheego war aan baryahanba kaa qarinayay, anna idhi ok xabiibti ii sheeg.


Xabiibi waxaa igu dhacay xanuunka kansarka la yidhaahdo, bilihii ugu dambeeyayna waan kaa qarinayay, waad aragtaa sidaan u tabcaan sanahay ee aan u dhuubtay, maaha fikirkaaga balse waa xanuunka igu dhacay awgii.. waxaan u ogolaaday furitaankuna waxa weeye anigoo rabay in aanuu wiilkeenu is odhan Aabahaa waa idin nacay, markaad i qaadayso ee uu arko wuxuu is lahaa wali aabaha waa jecelyahay hooyadaa sidaas awgeed ayaan rabay inaan wiilkeenu kuu arko Aabo fiican hadii aan geeriyoodo, hadii aad i furtana uu u idhaahdo hooyo ayaa dambiga lahayd, aabahaa wuu jecelyahay oo waaka subax kaste qaada.

Intaa kadib ayaa gabadhii geeriyootay, waxaan dareemay xanuun iyo muruugo badan, waxay ahayd noloshayda qayb kamid ah, ma ku hammiyin inaan guursado mar dambe xataa.

Ogow in qofka si dhab ah kuu jeceli ay adagtahay inuu si dhab ah kaaga tago.. walow aad sabab u noqotid dhibaatooyin badan iyo dhaawac halisa oo soo gaadhaba.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada