Daawo Sawirada:- Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu soo qabtay deegaanka Buulo-Gaduud.

Daawo Sawirada:- Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu soo qabtay deegaanka Buulo-Gaduud.

daajis.com:- Ciidanka Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa waxa uu maanta soo bandhigay dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo Gaduud.

Hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Qaam-qaam, ayaa waxaa lagu soo qabtay afar nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, xilli ay ku hubeysnaayeen qoryaha fud fudud.



Sidoo kale duleedka Kismaayo waxaa lagu soo bandhigay meydka nin la sheegay inuu ka tirsanaa dagaal-yahanada Al Shabaab, iyadoo la sheegay in lagu dilay dagaal ay xalay Al Shabaab ku soo qaaday deegaanka Yoontooy.

Korneyl Aadan Maxamed Ibraahim (Aadan Koojaar),Taliyaha Ciidanka Maamulka Jubba, oo Warbaahinta kula hadlay duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu xaqiijiyay in ragga la soo qabtay ay damceen inay baxsadaan, balse ay taasi ka horjoogsadeen.

Korneyl Aadan Koojaar, ayaa balanqaaday inay gacan bir leh ku qaban doonaan dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab, isla-markaana ay ka saari doonaan dhulka ay ka jooggaan Gobolada Jubbooyinka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada