Daawo Sawirka Askar shaqadooda looga eryay kadib markii ay isku dhunkadeen meel Bulsho badan joogtay

Daawo Sawirka Askar shaqadooda looga eryay kadib markii ay isku dhunkadeen meel Bulsho badan joogtay

daajis.com:- Labo askari oo dalka Tanzania u dhashay ayaa shaqada laga eryey kaddib markii ay meel banaan ah isku dhunkadeen.

Sawirrada laga qaaday labadan askari ayaa lagu soo daabacay baraha bulshadu ku wada xiriirto kaddibna waxaa laga muujiyay caro xoog leh,

Askartan is dhunkatay ayaa lagu eedeyeey anshax darro iyo inay bulshada horteeda wax qalad ah ku sameeyeen.

Labadan askari ayaa waxay ka shaqaynayeen magaalada Kagera ee galbedka dalka Tanzania waxay isdhunakdeen iyagoo ku xiran lebiska boliiska, taasoo loo arkay inay ahayd arin anshax xumo ah.
Sawirkan waxaa aalada internetka soo galiyay askari kale oo ah ninka sawirka qaaday oo isna shaqada laga eryey.


Bulshada sawirka aragtay ayaa siyaabo kala duwan u dhiibtay afkaartooda.
Qaar ka mid ah dadka Tanzania ayaa sheegay in aysan munaasab ahayn in askari shaqada looga eryo dhunkasho awgeed.

Xigasho BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada