VIDEO:- Ciidamada Nabadsugida oo soo Qabtay 15 dhalinyaro oo ka tirsanaa Ururka al shabaab

VIDEO:- Ciidamada Nabadsugida oo soo Qabtay 15 dhalinyaro oo ka tirsanaa Ururka al shabaab

daajis.com:- Ciidamada Nabadsugida ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen  15-ruux oo la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin, kadib howlgalo ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ku yaalo Suuqa Bakaaraha ee Degmada howlwadaag.

Ragan ayaa la sheegay inay kuwada sugnaayeen hal guri oo laga soo qabtay, kadib xog ay heleen laamaha sirdoonka dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka sida ay sheegeen masuuliyiin Wasaarada amniga dalka u hadlay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa sheegay in 15-kaan ruux ay qorsheynayeen falal ka dhan ah ammaanka Magaalada Muqdisho.



Wuxuu sheegay in Nabadsugida Soomaaliya ay ka hortagtay dhagarta ay maleegayeen ragaan Shabaabka ka tirsan, lagana soo qabtay guri ku yaalo Suuqa Bakaaraha oo ay ku sugnaayeen.

Hada waxa ay gacanta ugu jiraan 15-kaasi ruux ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo waxaa ku socda baaritaan la xiriira kiiska ay ku eedeysan yihiin, sida afhayeenka uu sheegay.

15-kaan ruux ee ciidamada Nabadsugida Soomaaliya soo qabteen, ayaa la sheegay inay kamid yihiin Al Shabaabkii kasoo firxaday Degmooyinka Cadale iyo Baraawe oo kamid ah dhulkii ugu dambeeyay ee ciidamada huwanta ay kala wareegeen Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay Sirdoonkeeda, taasina waxa ay usahashay inay helaan xogo badan oo ku saabsan ammaanka caasimada iyo falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Muqdisho laga qorsheyn jiray inay ka hortagaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada