M/weynaha Somalia oo maanta la kulmaya dhigiisa Faransiiska

M/weynaha Somalia oo maanta la kulmaya dhigiisa Faransiiska

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Paris kula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, kadib markii uu martiqaad uu ka helay.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxaweyanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

holland-iyo-hassanMadaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay booqday Safaarada Soomaaliya ee magaalada Paris, waxaana Faransiiska uu ka mid yahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa sanadkii hore isku arkay magaalada Brussels ee dalka Belgium shirkii Afrika iyo Midowga Yurub.

Faransiiska ayaa horay uga fuliyay Soomaaliya howlgalo, waxaana u dambeeyay howl galkii fashilmay ee sanadkii 2014 ka fuliyay deegaanka Buulo Mareer, halkaasoo lagu heystay muwaadin Faransiis ah.


Dowladda Faransiiska ayaa dhowaan sheegtay inay ka qeyb qaadatay howl galkii lagu qaarijiyay Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane, isla markaana dowladda Mareykanka ay siisay xog xaga sirdoonka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sanadkii 2008-dii kula kulmay magaalada Paris Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy, waxaana uu ahaa kulankii u horeeyay oo rasmi ahaa oo ay Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Faransiis ah isku soo hor fariistaan tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Soomaaliya 1991-dii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada