Daawo:- Wariye u afduuban ISIS oo warbixin kasoo diray Kobani

Daawo:- Wariye u afduuban ISIS oo warbixin kasoo diray Kobani

daajis.com:- Wariyihii u afduubnaa kooxda ISIS ayaa si layaab leh warbixin u kasoo duubay magaalada Kobani ee waqooyiga Syria kaga waramay dagaalada ka socda, isagoo warbixintiisa ku sheegay in magaaladaasi inta badan u gacan gashay kooxda ISIS.

John Cantlie oo u afduuban maliishiyada ISIS ayaa warbixintiisa ku sheegay in warbaahinta reer galbeedka ka been sheegeen dagaalada ka socda magaalada Kaboni, isagoo soo bandhigay muuqaal yar oo laga duubay dusha sare ee magaalada iyo halka ay kaga sugan yihiin ISIS.

Wariye John Cantlie ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddaha dagaalka Mareykanka iyo xulafadiisa ay duqeyn xoogan ka geysteen xarumaha ay kooxda ISIS kaga sugan yihiin magaalada.



John Cantlie ayaa kooxda ISIS ka afduubatay Syria bishii November 2012, ilaa xiligaasina wuxuu gacanta ugu jiraa xagjiriinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada