Dadka Muqdisho iyo Wariyeyaasha oo xeelad cusub bilaabay

Dadka Muqdisho iyo Wariyeyaasha oo xeelad cusub bilaabay

daajis.com:- Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay baqdin xoogan ka muujiyeen weerarada ka dhanka ah maqaayadaha caasimada ku yaala ee horumarsan, kadib weeraradii maqaayadaha Oromo Coffee iyo Panorama.

Gaadiid lagu soo rakibay walxaha qarxa, ayaa habeenadii Isniinta iyo Khamiista lagu kala weeraray maqaaxiyadahaasi, waxaana ku dhintay dad tiradoodu lagu sheegay 22 ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Weeraradaan, ayaa waxay sababeen in dadka reer Muqdisho ay walaac ka muujiyaan inay isugu soo baxaan maqaaxiyadaha shaaha laga cabo, isla-markaana laga helo (Wireless) bilaa lacag ah. Inta badan bulshada ayaa khadka Internetyada ka soo gala Wireless-yada maqaaxiyadaha, iyadoona uu xawaarahoodu wanaagsan yahay.

Dhalinyarada degan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay kuu sheegeysaa in habeenkii xalay ay goor hore ku xaroodeen guryahooda, isla-markaana ay taggi waayeen goobaha ay bulshadu isugu timaado, sababo ku aadan baqdin ay ka qabaan weeraro ka dhaca.

Maqaaxiyadaha ku yaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama, ayaa waxaad arkeysaa iyagoo haawanaaya, haddii kalana ay fadhiyaan dad fara ku tiris ah, oo ka isticmalaya khadka Internet-ka.

baar-liidoGanacsatada maqaaxiyaha camiran, ayaa waxay cabsi ka qabaan in la bartilmaameysado goobahooda ganacsi, waxayna isha ku hayaan gaadiidka nooca raaxada ee adeegsanaaya laamiyada ku dhow dhow xarumahooda ganacsi.


Cabsidaasi ayaa waxay hoos u dhigtay dhaqaalihii milkiilayaasha maqaaxiyadaha ka soo geli jiray qaybaha bulshada.

Sidoo kale Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, ayaa joojisay inay isugu yimaadaan goobihii ay inta badan isugu imaan jirayn, xilli weerarkii maqaaxida Panorama la sheegay in bartilmaameydkiisu uu ahaa Suxufiyiin halkaasi fadhisay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa Khamiistii shalay Al Shabaab ku eedeeyay inay masuul ka yihiin beegsiga ka dhanka ah Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay wax ka qaban doonaan.

Dhinaca kale Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sheegay kuwo ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Caasimada ku nool.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa ku goodiyay inaysan Magaalada Muqdisho ammaan ku jooggi doonin Saraakiisha Dowladda, xilli uu ku eedeeyay inay xabsiyada ka buuxiyeen Muslimiinta, sida uu yiri.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay ku hawlan tahay sidii ay wax kaga qaban laheyd bartilmaameydka ka dhanka ah meelaha ay dadku isugu yimaadaan, iyadoona Al Shabaab ku eedeysay inay bilowday xasuuq ka dhan ah maatida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada