Wasaarada Amniga oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galayay Muqdisho la qabtay

Wasaarada Amniga oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galayay Muqdisho la qabtay

daajis.com:- Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo ah Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho, halkaasoo la dhigay todobaadyadii u dambeeyay Ciidamo Nabadsugid ah.

Khaliif Ereg ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baaritaano ka bilaabeen koontaroolada laga soo galo magaalada, isla markaana la hubinayo dadka soo galaya, waxaana uu xusay inay soconayaan howl galada lagu sugayo ammaanka.

“Waxaa maalmihii u dambeeyay lagu qabtay koontaroolada laga soo galo magaalada rag ka tirsan Al-Shabaab, waxay ka dambeysay markii ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaano la xiriira dadka soo galaya magaalada in la hubiyo, waxa ay yihiin iyo halka ay u socdaan”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan la soo taagi doono Maxkamad xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay ciidamada ammaanka ku qabteen koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa horaantii bishan la dhigayo koontaroolada laga soo galo magaalada, iyadoo dhalinyarada da’dooda ka hooseysa 40-ka sano la weydiinayo halka ay u socdaan iyo damiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada