Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya IBS oo soo bandhigay adeegyada uu u qabanayo macaamiisha

Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya IBS oo soo bandhigay adeegyada uu u qabanayo macaamiisha

daajis.com:- Munaasabad lagu soo bandhigayay adeegyada uu qabanayo Bankiga International Bank of Somalia (IBS) oo dhowaan uu xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharad ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Ganacsatada, aqoonyahanada iyo haweenka ayaa waxaa ugu horeyn masraxa la soo istaajiyay Maamulka ugu sareeya Bankiga (Board of Directors).

Waxaa ay soo bandhigeen adeegyada uu bankigu u qaban doono macaamiisha, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay barnaamijkaasi ay aad ugu riyaaqeen adeegyadaas, iyagoo ku tilmaamay kuwo aad loogu baahan yahay inay ka qeyb qaadan karaa kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Xasan Axmed Yuusuf Gudoomiyaha Bankiga IBS ayaa Sheegay in Bankigan uu yahay midkii ugu horeeyay oo ay xaruntiisu tahay Soomaaliya isla markaana leh Swift Code, isaga oo intaa raaciyay in muda lix bil gudahood ay soo bandhigi doonaan adeegyo caalami ah oo ay kamid yihiin “ATM” iyo Credit Cards.

Gudoomiyaha waxa uu ballanqaaday in ay caawimaad iyo wadashaqeyn gaar ah la yeelan doonaan haweenka maadaama ay qeybo badan oo ka mid ah ganacsiga dalka ay iyagu gacanta ku haayaan.

Bankigan dhowaan laga hirgeliyay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya mid caalami ah oo la jaan-qaada adeegyada bankiyada caalamka ku yaal, waxaana tani ay qeyb ka tahay horumarka dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada