Dagaal uu dhiig badan ku daatay oo dhex maray dowladda iyo Al-Shabaab

Dagaal uu dhiig badan ku daatay oo dhex maray dowladda iyo Al-Shabaab

daajis.com:- Warka ka imaanaya magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Dagaalka ayaa la Tilmaamayaa inuu ka bilowday kaddib markii Alshabaab isku dayeen in ay weeraraan gadiid gargaar sidday gaargaar la doonayay in loo qeybiyo dadka ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Siddeed ruux, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in dadka Khasaaraha soo gaaray ay u badnaayeen dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay deegaan lagu magaacaabo War-dagaal oo 24km u jira magaalada Beledweyne.


Dhanka kale, Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ku aadan dagaalka oo kasoo baxay Saraakiisha DF iyo Alshabaab Inkastoo dagaalka uu kusoo beegmaayo xili Alshabaab sanadkan looga itaal roonaaday dagaalada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada