Nin Jarmal oo maalgeliya Shabaab oo Muqdisho laga baadi goobayo

Nin Jarmal oo maalgeliya Shabaab oo Muqdisho laga baadi goobayo

daajis.com:- kooxda ammaanka dalka Jarmalka ayaa lagu wadaa in ay booqdaan Somalia iyo Kenya, si ay u helaan xog ku saabsan muwaadin Jarmal ah oo lagu tilmaamay inuu ka mid yahay argagixisada caalamiga ah, loona maleynayo inuu ku sugan yahay Muqdisho ama xaafada Majengo Islii Section III ee magaalada Nairobi.

Ninkani la baadi goobayo oo lagu magacaabi jiray Mark Schillinger ayaa badashay magaciisa, waxaana la rumeysan yahay inuu maalgeliyo dhalinyarada xagjirnimada ah ee Bariga Afrika.

Xafiiska Difaaca Jarmalka ee faraca safaaradda ay ku leeyihiin Nairobi ayaa booqashadan ay ku bixinayaan Mogadishu iyo Nairobi gacan ka siin doonto, iyadoo la filayay in booqashadan ay dhacdo Axadii ama Isniintii, laakiin dib loo dhigay, iyadoo aan la shaacin taariikhda rasmiga ah ee saraakiishaan dhinaca amanaka ka socda booqanayaan Muqdishi.

Madaxa Safaaradda Jarmalka ee Saxaafadda iyo dhaqanka, oo lagu magacaabo Mr Martin Falk, ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin la xiriira taariikhda bilowga ah, ee ninkan uu soo galay Geeska Afrika.

Schillinger oo magaca badashay ayaa tuhunsan yahay in ka howlgalo magaalooyinka Soomaaliya iyo Kenya, waana maalgeliye kooxaaha argagixisada.

Baarayaal ku xeel dheer la-dagaallanka argagixisada ayaa sheegay in ninkan uu ansixiyay magac Soomaaliyeed oo uu badalay magaciisii hore, isla markaana sameystay waraaqaha aqoonsiga been abuurka ah.


Booqashada saraakiishan dhinaca amaanka ah ee Jarmalka ka socda ay ku tegi doonaan Muqdisho ayaa waxaa ku wehlin doona ciidamo dhinaca amaanka qaabilsan, iyadoo Dowladda Kenya ay siisay talooyin dhinaca amaanka ah.

Lama oga in Dowladda Somalia ay ka war hayaan arintan baaritaan iyo in kale, hase ahaatee waxaa loo maleynayaa in uu u dhaxeeyo xiriir dhinaca isgaarsiinta ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada