Al-Shabaab oo dhagax ku dhishay 18 jir lagu soo eedeeyay Kufsi

Al-Shabaab oo dhagax ku dhishay 18 jir lagu soo eedeeyay Kufsi

daajis.com:-  Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose qeybo ka tirsan weli ku sugan ayaa xukun Rajmi ah ku fulisay wiil dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar 28 sano jir ah oo degan tuulada Daruuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wiilkaan xukunka dhagax ku dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Cali oo 18 sano jir, deganaa tuulada Buullo Mako, kaasoo Waaliga Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose Abuu Cabdalla uu sheegay in uu maxkamadda horteeda ka hor qirtay dambiga kufsiga ah, sidaasina loogu fuliyay xukunka rajmiga ah ee dhagax ku dilka ah.

Maxkamada Shabaabka, ayaa amartay ka hor inta aan dhagaxa lagu dilin ninkaan inuu bixiyo meherka gabadha (Mahru Mithli). Wuxuuna Qaadiga Shabaabku ku dhawaaqay in xukunka lagu fuliyo ninkaasi, iyadoo ay ka qayb qaateen dagaalyahanada Shabaabka iyo taageera-yaashooduba oo si aan naxariis laheyn ugu dilay dhagxaan lasoo dhoobay goobta xukunka uu ka dhacayay.

25 maalmood ka hor inta aan Baraawe laga qabsan ayey waxay gudaha magaaladaasi dhgax ku dileen haweeney falkan mid la mid ah lagu soo eedeeyay. Mana jirto xaqiiqooyin iyo danbi baaris dheeri ah oo ay sameeyaan Al-Shabaab marka fal noocaan ah oo kale lagu soo wargeliyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada