Dhageysiga murunka Badda ee Somalia & Kenya oo la shaaciyay

Dhageysiga murunka Badda ee Somalia & Kenya oo la shaaciyay

daajis.com:-  Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada `ICJ` ayaa waxay muddeysay xilliga la bilaabi doono dhageysiga dacwada xagga murunka la xiriira ee dalalka Somaliya iyo Kenya, iyadoona labada dhinacba loo jeediyay inay soo diyaar garoobaan.

Peter Tomka, Gudoomiyaha Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada, ayaa wxuuu ku dhawaaqay in 13-ka Luulyo ee sanadka 2015-ka ay tahay xilliga ugu dambeyso ay Somaliya iyo Kenya ku soo gudbin karayaan dokumentiyadooda la xiriira lahaanshiyaha Badda leesku heysto.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in labada dalba markale laga doonaayo in mudada u dhaxeyso 13-ka Luulyo (2015) iyo 27-ka May (2016), ay ku buuxiyaan foomamka murunka Badda

Peter-Tomka-icjWaxa uu intaa ku daray in wixii ka dambeeyo 27-ka May ee sanadka 2016 ay bilaabi doonaan dhageysiga ku aadan murunka xadeynta Badda ee dalalkaasi hareereeyay.

Hadalka ka soo yeeray Peter Tomka, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa dadaalkii ay Kenya ku dooneysay inay ku hakiso dacwadii uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, u gudbiyay Maxkamada Caalamiga ah.

Dowladda Uhuru Kenyatta, ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay ku milkin laheyd in ka badan 130,000km ee Xeebaha Somaliya ah, si kaga faa’iideysato kheyraadka dhex ceegaagaaya.


Dadka ka faallooda arrinta xagga murunka la xiriira ee labada dal, ayaa kuu xaqiijinaaya in dacwadii laga gudbiyay Kenya ay caqabad ku noqotay, isla-markaana ay adkeyneyso damaceedii ku aadanaa xariiqida xadeynta Badda, ee in wax laga bedelo.

Tani waxay imaneysaa, iyadoo Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu booqasho ku jooggo Magaalada Nairobi, lana sheegay in Madaxda Kenya uu kala hadlaayo arrinta lahaanshiyaha ee Badda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada